Ge en gåva

Istareeska iyo ka soo kabashada

Istareesku waa wax caadi ah iyadoo ay marmarka qaarkood lagama maarmaan tahay. Waxa u baahan in aynaan iloobin waa in loo baahan yahay ka soo kabasho. Bulshada hadda ee 24-saacadoo taagan ayaanay markasta taasi wax muuqda aheyn, taas oo istareeska ka dhigtey dhibaatada caafimaadka dadweynaha. Waxa ugu muhiimsan waa in wakhti wanaagsan bireega la qabto.

Waa maxay istareesku?

Istareeska micnaheedu waa in jidhka oo dhan, oo ay ka mid tahay maskaxdu, ay u xamaan gurtaan si ay uga jawaabaan khatar. Si looga baxsado ama aynu iskaga difaacno, ayaa wadnahu si deg deg ah ugu garaacmaa iyadoo dheefshiidka la badalaayo si muruqyada si sahlan ugu helaan tamar. Dareenka ayaa istaaga marka maskaxdu si buuxda diirada ugu saarto ka baxsiga xaaladda halista ah.

Jawaabta bani’aadamka ee istareeska ayaa lagama maarmaan u aheyd si loogu noolaado tan iyo xiligii dhagaxda. Taas la’aanteed ayaan awoowyaasheen u suurto gasheen inay ka baxsadaan khataraha duurka. Ilaa maanta, ayuu jidhku u maleynayaa inay tahay baxsi iyo dagaal waxa loo baahan yahay marka istareesku kugu dhaco. Faraqa u dhaxeeya dadka xiligii dhagaxda jirey waa in istareesku ahaa wax gaaban. Dagaalka ama baxsiga ayaa soconaayey saacado badan ama maalmo kadibna waxa daba socdey wakhti nasasho. Bulshada maanta ayaa istareesku uu yahay mid markasta taagen oo markaa ka waxyeelo badan.

Istareeska waa wax wanaagsan. Waa marka ay ina asqeyso oo aynu maareyn kari weyno khatarta ama marka aaynu dib uga soo kaban kari weyno wakhti ku haboon, marka ay leedahay waxyeeladu.

Sidee lagu ogaadaa in qof hayo istarees?

Inta ay leegtahay istareeska uu qofku maareyn karo waxay ku xidhan tahay qofka. Hawsha shaqada, nolosha shakhsiga, hab nololeedka, da’da iyo caafimaadka ayaa saameeya. Dumarka ayuu saameyn ka weyn ku leeyahay istareesku.

Istareeska waxa loola jeedaa shiditaanka tamarta jirka oo dhan, waxa ay sidaas awgeedna bixin kartaa calaamado badan oo kala duwan. Waxa istareeska xun caado u ah walwal, niyad jab, dhibaatooyin hurdada, xusuus darro, dhibaato kaa haysata inaad wax ahmiyad saarto, xanaag dhow iyo sidoo kale dhibaatooyin caloosha iyo murqo xanuun. Calaamadaha kale ee istareesku waa in qofku bilaabayo sigaarcab badan ama cabitaanka khamriga oo badan, isku dejiyo cunto ama isticmaalo kiniinka hurdada.

Waa maxay sababta loogu baahan yahay ka soo kabasho?

Dib uga soo kabashadu waxay ku saabsan tahay in la is dejiyo oo dib loogu soo buuxiyo tamarta jirka ee uu gubey. Haddii aanad ka soo kabsan ayaad daaleysaa, dad badan waxay tagaan shaqada ama dugsiga subax kasta iyada oo aan lahayn tamarta ay u baahan yihiin si ay wanaag ugu dareemaan. Haddii uu culeysku noqdo mid aad u sarreeya oo muddo dheer waara, iyada oo aan la helin dib u soo kabasho ku filan, ayaa waxa jiri kara halis ah inuu kugu dhaco xanuunka daalka. Sidaas daraadeed ayay aad muhii ugu tahay in la dhageysto calaamadaha jidhkaaga oo wakhti fiican bireega la qabto.

Iyadoo loo eegayo xaddiga fasaxa jirrada ee uu keeno istareesku, ayay shaqo-bixiyeyaasha badan bilaabeen inay ogaadaan muhiimada ay leedahay shaqada ka hortaggu. Ilaa sannadka 2016, waxaa jira sharciyo ka wajahan Bay’ada shaqada kuwaas oo shaqo bixiyaha u sheegaaya waxa uu ku qasban yahay inuu sameeyo si loogu hubiyo jawi shaqo oo wanaagsan iyo culeys shaqo oo macquul ah.

Maxaa loo arkaa inay ka soo kabasho tahay?

Hawl istarees leh marka la sameeyo kadib ayay maskxadu u baahan tahay inay nasato. In guriga la aado shaqad ka dib oo carruur la daryeelo, la bixiyo biilasha ama la qorsheeyo cashada ayaan ku xisaabsaneyn ka soo kabashada.  Laakiin waxa taas lagu sameeyaa dhaqdhaqaaqa jidhka iyo dad la sheekeysiga farxada leh. In TV-ga la daawado, la akhriyo buug ama kursiga fadhiga la jiifsado oo “waxba aan la qaban” ayaa sidoo kale ah ka soo kabasho.

Hurdada ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee ka soo kabashada. Dhibaatada hurdada ayaa kaa dhigi karta mid ka sii istarees nugul isla marka ay istareeksu ay tahay sabab hurdo xumo awgeed. Todoba-sideed saacadood habeenkiba ayaa laguu soo jeedinayaa. In la nasto xiliga shaqada ayaa sidoo kale muhiim ah. Marba marka ay ka sii badato hawshu, ayaa loo baahan yahay biririfyo ka badan si aad wakhti dheer ugu sii wadi karto.