Ge en gåva

Ciyaaraha khamaarka ee la qabtimo

Dad badan oo Iswiidhish ah ayaa dhibaato ka haysataa khamaarka lacagta la dhigto iyagoo khatar ugu jira inay la qabsadaan. Mashiinadaha khamaarka iyo khamaarka internetka laga ciyaaro ayaa ah kuwa ugu badan ee la qabatimo waxayna keeni karaan cudur la barbar dhigi karo khamriga ama daroogada maandooriyaha.

Waa maxay ciyaaraha khamaarku ee la qabatimaa?

Qiyaas ahaan boqolkiiba laba dadka waaweyn ee Iswiidhan jooga ayaa qaba dhibaatooyinka khamaarka la ciyaaro oo qabatimey ciyaaraha. Dhibaatooyinka ciyaaraha waxaa loola jeedaa in khamaaristu ay ka baxsantahay xadka oo ay nolosha u leedahay cawaaqib xun. Waxay dhaawici kartaa caafimaadka, nolosha bulshada lagu dhexgallo iyadoo keeni karta dhibaatooyin dhaqaale. Haddii aad qabto dhibaatooyinka ciyaaraha khamaarka ayaad halis ugu jirtaa inaad gasho la qabsiga ciyaaraha khamaarka.

Qabatinka ciyaaraha khamaarka, ama xanuunka ku khamaarista, waa cudur maskaxeed oo la barbar dhigi karro khamriga iyo daroogada maandooriyaha. Si la mid ah sida waxyaalah kale ee la qabatimo ayay maskaxdu ugu leedahay khalkhal habka abaal marinta. Si loo helo saadaasha cudurka, ayaa qofku isku dayey inuu yareeyo ama joojiyo ciyaarta iyadoo aanu ku guuleysan. Haddii aan la ciyaarin ayay keeni kartaa dareen degenaansho la’aan iyo xanaaq.

Calaamadaha kale ee qabatinka ciyaaraha khamaarka waxay noqon karaan in kolba in ka sii weyn la dhigto/lagu ciyaaro oo la isku dayyo in laga soo aarguto marka laga badiyo iyo in si joogto ah looga fikiro ciyaaraha ama sida loogu sameyn lagaa lacag ka badan. Dad badan waxay u ciyaaraan sidii ay ugu dhimi lahaayeen dareenka xun ee sida walwalka ama diiqa.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Qabatinka ciyaaraha khamaarku waxay si xooga u saameeyaan dadka buka iyo bay’adooda. Si ay ugu qariyaan qabatinkooda aya caadi tahay in been la sheego, oo taa xataa qoyska iyo asxaabta loo sheego. Ugu dambeyntii, ayaa badanaa ay tahay dadka qaraabada uun cidda bixineysa dhibaatooyinka dhaqaale ee uu qofka qabatimey sababaayo, taas oo dhaawac u keentay xidhiidho badan. Marka ay ciyaartu khamaarku noqoto waxa kaliya ee ugu muhiimsan ayay dhibyartahay in la galo danbi si lacag loogu keeno. Hab nololeedka ayaa keeni karra in aan la haysan karin shaqo ama waxbarasho.

Dad badan oo qaba qabatinka ciyaaraha khamaarka ayaa sidoo kale leh dhibaatooyin maskaxeed sida walwalka, murugada ama dhibaatooyin khamriga. Waxay si fudud u keeni kartaa wareeg xun oo keena inay ciyaarta khamaarka oo ka sii badata. Marar badan ayaa qabatinku uu ugu danbeyn ku saleysneyn in lacag la helo, ee waxa weeye in la dareemo dareenka abaalmarinta.

Miyaa laga roonaan karaa?

Qabatinka ciyaaraha khamaarka ayaa ah dhibaato caafimaad darro dadweynaha ah oo sii kordheysa waxayna keentay sharci cusub. Laga bilaabo janaayo 2018 ayaa dadka qaba dhibaatooyinka ciyaaraha khamaarka ay leeyihiin xuquuq iyo taageero la mid ah ta dadka qaba dhibatooyinka khamarada daroogada. Taas waxa ka mid ah in xataa in la qaado masuuliyad bulshada oo laga hor taggo qabatinka ciyaaraha khamaarka.

In adoon loo noqdo ciyaarta ayaa nolosha habab badan u dhaawacda. Waxa loo baahan yahay si qofka qabatimey oo ay la sodaan dadka ku dhowdhow ayaa ah in la joojiyo. Waxa suurtoga ah in la xidho qeynta internetka ama in kombiyuuterka ama telefoonka muddo la iska tuuro.

Taageerada dadka qaraabada dhowdhow iyo la hadalka dadka kale ee qabatimey ciyaaraha khamaarka ayaa waxay wanaagsan keeni karta sida in la dhimaato dareenka in kali la yahay. In la qabto wacyaalaha kale ee loo arko inay faa’iido leeyihiin ayaa sidoo kale kaa caawinaya inaad ahmiyada saarto ciyaarta.

Saadaasha cudurka iyo daaweynta

Saadaasha waxa sameyn kara dhakhtar ama dhakhtarka dhimirka haddii uu u arko in qofku uu buuxiyey shuruudo badan oo uu leeyahay cudurku. Haddii aad laga shakisan yahay in adiga ama qaraabadaada uu ku dhacay la qabsiga khamaarka oo aad rabto in qiimeyn la sameeyo, waxaad la xidhiidhi kartaa xarunta caafimaadka ama rugta caafimaadka dhimirka ee balan la’aanta. Haddii loo baahdo ayaa qofka bukka loo dirayaa qeyb takhasus u leh la qabsiga ciyaaraha khamaarka.

Hadalka dhiiri galinta iyo daaweynta dabeecadda garashada (KBT) ayaa ah tusaalayaasha lagu daaweeyo la qabsiga ciyaaraha khamaarka. Taas waxa loo sameyn karaa si kali ah, koox ahaan ama internedka. In la barto in la ogaado oo la maareeyo in dib loogu dhaco cudurka ayaa sidoo kale muhiim ah.