Ge en gåva

Qalad u isticmaalka galmada

Qalad u isticmaalka galmadu ma aha saadaal cudur gooni ah laakiin saameynta ayaa la garab dhigi karaa nooc kasta oo la qabsiga ah. Markaleedahay dabeecadaha galmada oo ay tahay inaad qasab sameyso iyo fikirka galmada ay saameyn xun ku yeeshaan noloshaada ama qofka aad jeceshahay, ayay sidaas darteed jirtaa sabab aad ugu baahan tahay in lagu caawiyo.

Waa maxay qalad u isticmaalida galmadu?

Inaad noqotaa qof qalad u isticmaala galmo waxay la mid tahay inaad haysatid ku xidhnaansho nooc kasta ha ahaadee. Halkan ayay daroogadu tahay habdhaqan galmo oo la buunbuuniyey oo qasab ay tahay inaad sameyso kuwaas oo noloshaada saameyn xun ku leh. Sida uu qofka khamriilaha ahi uu si joogto ah uga fikiraayo khamriga, ayaa fikradaha qofka qaladaka u isticmaala galmada ay uga buuxdaa galmadu. Farqiga u dhaxeeya ayaa ah in dadku aysan u baahnayn khamri si ay u dareemaan wanaag, halka dhinaca kale, aynu ugu leenahay baahiyo kala duwan oo ku saabsan galmada iyo dhawaanshaha. Sidaas darteed ayay adag tahay in la kala saaro in qofku uu leeyahay la qabsi galmada ama inuu leeyahay rabitaan badan oo galmada.

Qalad u isticmaalka galmadu waxa uu ku dhacaa dumarka iyo ragga labadaba. Calaamadaha qalad u isticmaalka galmada waxay noqon karaan in qofku ku adkaado inuu shaqo haysto ama dugsi qabto, dhaawaco xidhiidhkiisa dadka kale ama caafimaadkiisa. Qofka galmada qalad u isticmalaa ma maareyn karro habdhaqankiisa galmada. Waxa jira xaraaro iyo wax qasab ah inuu sameeyo kaas oo isaga/iyada ku qasbaaya inuu falkaas ku soo celceliyo. Waxay noqon kartaa siigeysi qasab ah in la sameeyo, daawashada filimaanta xunxun ee galmada, raadinta joogtada ah ee lamaane cusub oo la helo, galmada telefoonka ama galmada lala sameeyo dadka aan la aqooon ama dhilleysi. La qabsiga ayaa kor u sii fidi kara markuu wakhti sii socdo.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Xidhiidh aan fayoobeyn oo qasabka ah in la sameeyo galmada la xidhiidha ayaa aad u saameyn kara nolol maalmeedka. Maaha wax aan caadi ahayn in isticmaalka galada uu noqdo hab lagu aamusiiyo dareen xun sida walaac, walwal, istarees ama niyadjabsanaan. Qaar badan ayaa xataa raaxo dabeecada galmada ka dareema. Raaxo waxoogaa yar ku siinaaya sidii inaad ka baxsatey xaqiiqada. Kadibna waxa caadi ahaan la helaa dareenka ah in wax ceeb ah la sameeyey, niyad xumo iyo walwal.

Dhibaatada qalad u isticmaalka galmada waxay sababi kartaa in qofka dhibanaha ay uu qaato khataro ka weyn, maxaa yeelay buuxinta baahida ayaa waxwalba ka horeysa. Waxaa jira khatar ka badan oo ah dhibaatooyin caafimaad ah iyo dembi, haddii tusaale ahaan, lagu hawlan yahay dhilleysiga. Qofka dhibbanaha inta badan ma laha awood uu wax ku qaban karo oo uu ku hayn karo xidhiidh isagoo inta badan la baxsada dhaqankiisa. Dadka galmada qaladku u isticmaala ayaa qaba dhibaatooyinka kale ee maskaxda.

Miyaa laga roonaan karaa?

Qalad u isticmaalka galmada ayay adagtahay in laga hadlo. Dareemidda ceeb iyo quus ahaanta ayaa noqon kara mid aad ugu baahsan qofka uu ku dhacay iyo qaraabada labadaba. Waxay si gaar ah u saameyn kartaa lammaanaha qofka qaladka galmada u isticmaala, maadaama oo ay fududahay in la rumaysto inay tan sabab u tahay iyadoo aan u galmooda lamaanahu aheyn mid ku filan. Sidaas arintu ma aha ee waxay tani ku xidhan tahay caafimaadka maskaxda ee qofka uu ku dhacay. Waxa loo baahan yahay waa in uu qofku ogaado la qabsigiisa oo uu kadibna uu caawimo raadsado. Taas ayaa taageerada qaraabadu door weyn ka ciyaari kartaa.

Haddii aad u baahan tahay taageero iyo caawimo waxaad la xidhiidh ikartaa xarynta daryeelka caadimadka. Haddii aad ka yartahay 23 sanno jir waxaad u tagi kartaa ungdomsmottagning. Halkaa waxa xataa laga heli karaa khadadka taageerada oo lala hadli karro.  Daaweyntu waxay noqon kartaa qaab wada hadal dabiib ah. Xaaladaha qaarkood, ayaa daawooyinka hormoonada dhima ama daawooyinka cilmi nafsiga ayaa sidoo kale laga yaabaa inay kaa caawiyaan ka bogsashada.