Ge en gåva

Labeeb iyo hab-dhaqanka galmada

Caqabad ayaa nolosha qofka labeebka ah kala soo gudboonan karta dareenkiisa iyo xitaa ixtiraam darro uga timaadda bulshada uu la nool yahay. Qof kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu u noolaado siduu u dhashay- sidaa darteed waxaad kaalmo ka heli kartaa heyadda daryeelka caafimaadka, taasoo ku saabsan talo bixin iyo aqoonsi jinsi.

Waa maxay aqoonsi jinsi iyo labeeb?

Aqoonsi jinsi waxaa uu ku saabsan yahay jinsiga shaqsigu isku aqoonsan yahay. Shaqsiyaadka aqoonsiga jinsigoodu ka duwan yahay ayaa waxaa loo yaqaan labeebka dadka ah loona soo gaabiyo labeeb.

Labeebku waxuu ka kooban yahay qaybo badan oo ma ahan uun hab dhaqan goonni ah. Waxay noqon kartaa dadka jecel inay xirtaan dharka dadka jinsiga ka duwan ay xirtaan (crossdresser, trasvestit), qof aan isku haysan inuu rag ama dumar yahay (jinsilaawe , bigender) ama qof dareensan inuu jir qalad ah ku dhashay ( transsexualism). Qofka shaqsiga ah ma jiro wax qasab uga dhigayo inuu hab goonni ah u noolaado, ee shaqsi walba isaga ayaa goaansan kara oo isla markaasina isku magacaabi kara labeeb.

Labeebku maahan wax aad dooran kartid inaad noqoto, ee waa wax lagu dhasho. Kaalmada iyo garabka laga helo bulshada uu shaqsigaasi la nool yahay door wayn ayey leedahay, qaasatan dadka da’yarta ah oo isla markaasina marxalad jaha wareer ah ku jira.

Labeebnimadu ma tilmaamayso shaqsiga fal-galmeedkiisa. Qofka uu galmada la samaynayo ama uu jeclaan karo, saamayn kuma leh qofkaasi jinsigiisa oo uu isku aqoonsan yahay. Qofka labeebka ah waxaa uu noqon karaa qof xiiseeya galmada dadka isku jinsiga ah, kala jinsga ah, labada jinsiba ama waxyaabo kale oo caddeeynaya shaqsiga dhaqan galmeedkiisa.

Sidee bay saamayn ugu kartaa nolosha?

Dad badan oo labeeb ah ayaa iyagoo carruur ah ogaada in jinsigoodu uusan ahayn mid sax ah. Dareenka xun ee dhaliya in shaqsiga uu u arko inaysan is waafaqsanayn aqoonsiga jinsigiisa iyo jirka ayaa loo yaqaan jinsidaal. Inaysan dadka kale u arkin shaqsigaasi siduu isagu isku arko ayaa dhalisa murugo iyo niyad jab iyo naf iska goyn.

Dad badan oo labeeb ah ayaa waxay liibaan ku helaan aqoonsiga jinsigooda. Laakiin haddii la eego koox ahaan markii baaritaan taas laga sameeyey ku saabsan dadka labeebka ah khaasatan da’yarta in badankoodu maskax ahaan uga liitaan dadweynaha kale. Murugo iyo niyad jab ayaa ugu badan tan la soo gudboonaata dadkaasi. 40% dadka da’yarta labeebka ah ayaa dhacda inay isku dayaan inay nafta iska qaadaan.

Dareenka ah ka duwannaan iyo habow ama dareen fadeexo waa wax aan sahlanayn. Goonni u soocid iyo dareen ah kalsooni darro ayaa inta badan soo wajahda. Shantii qof oo labeeb ah ayaa mid ka mid ah waxaa loo gaystaa gacan qaad ku saabsan aqoonsiga jinsigiisa, boqolkiiba konton dadkaasi ahna waxaa loo gaystaa kuxad gudub iyo meel uga dhac. Bulshada inta badan ma tix galiyaan dadka labeebka ah, dadaal badan ayaa loo baahan yahay si loo kordhiyo dulqaadka iyo la dagaallanka dacaayadaha aan salka lahayn.

Maxaa kaalmo ah oo la heli karaa?

Caafimaad darro maskax oo ka abuurma aqoonsiga jinsigiisa haddii uu qofka la soo gudboonaado waa inuu kaalmo raqdsado. Qof kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu ahaado qofka uu yahay, uuna ku faraxsan yahay. La xiriir rugta caafimadka, ama dhaqtarka guud ee arrimaha maskaxda qaabilsan haddii adiga ama qof xigtadaada ah ay murugo, amo niyad jab soo gudboonaato, ama si kale uu u jirran yahay maskax ahaan. Waxaa kaloo halkaas ka heli kartaa habayn la habaynayo jirka iyo jidayn.

Waa maxay baaritaan jinsi?

Si loo gaaro hagaajin ama habayn jinsi oo xitaa si sharciyaysan loo badalo jinsiga shaqsiga waxaa loo baahan yahay in la maro baaritaan jinsi. Horumarkaasina waxaa uu qaadan karaa muddo labo sano ah, si looga baaraan dago oo kadibna loo helo isbadalka shaqsigaasi jirkiisa ku habboon.

Waxaa ugu horreyntii loo baahan yahay waraaq dhaqtareed, taasoo laga heli karo rugta daryeelka caafimaadka ama dhaqtarka guud ee arrimaha maskaxda. Daryeel caafimaad raadsashada la raadsado macnaheedu maahan uun inaad xanuunsan tahay ee waxaa loo baahan karaa aqoonta ay dhaqaatiirtu leeyihiin. Qasab maaha inaad hubtid aqoonsiga jinsigaaga ama isbadalka aad xiisaynaysid intaan la dhex galin baaritaan jinsi.