Ge en gåva

Waalida

Haddii aad qabto waali ayaad galaysaa xaalad aanad kala saari karin waxa maskaxdaada ku jira, khiyaaliga iyo xaqiiqda dhabta ee kugu wareegsan. Waxa laga yaabaa inay kugu dhacdo xanuun waali kumeel gaadh ah ama mid falcelin leh, ama waali soo noqnoqota taas oo calaamad u ah saadaasha cudurka dhimirka, sida cudurka dhimirka ee Iskitsoofiriiniya. Dadka inta badan ee ay ku dhacdo waalidu ayaa muddo ka soo bogsada, qeyn ahaan ama gabi ahaanba. Marka daaweyn la sameeyo ayaa la dhimayaa khatarta lagu qaadaayo waali cusub.

Waa maxay waalidu?

Waxaad dareemeyso markaad qabto waalida ayaan dhab aheyn dadka kale, laakiin adiga dhab ahaan run kuu ah. Waxa “Runta khayaaliga ah” waxa loogu yeedhaa erayo kale oo ah khuraafaad uu qofku rumeysan yahay ama halaawi aan jirin, tusaale ahaan, waxay taas macnaheedu tahay inaad maqashid codad ama aad la dareemo dhacdo dadka kale aanay arkeynin. Waxaad ka fikireso marka la waalan yahay ayaa run buuxda ah oo aan laga murmi karin. Dadka kala duduwan ayaa siyaabo kala duwan uga jawaab celiya markay ku jiraan xaalad waali ah iyadoo taasi ku xidhna tahay xaalada, shakhsiyada iyo xaaladaha kale ee ku wareegsan.

Isbeddel sawirka is-aqoonsiga iyo fahanka xaqiiqda dhabta ah ee marka la qabo waalida

Khuraafaadka qofku uu aaminsan yahay ayaa ku saabsanaan kara qofka laftiisa. Waxa caadi ah in qofka qaba waallidu uu isku dareemo mid is bedelay. Tusaale ahaan, qof qaba waali ayaa laga yaabaa inuu aaminsan yahay inuu yahay mid ka mid ah dadka taariikhda ku jira, oo astaan u ah sharka ama sifooyin kale. Qofka qaba cudurka waalida ayaa xanaaqi kara wuxuuna rabaa inuu wajaho bey’adda, mid kale waxa uu dareemayaa badbaadiye wuxuuna rabaa in uu qof walba soo dhaweysto halka uu mid saddexaadna uu isagu isku jeesto oo is xidho. Dadka kale waxayse ugu muuqataa wax aan caadi aheyn ama aan fiicneyn.

Iska horimaadka ka dhaxeeya dadka ka baxsan ee xiliga waalida

Dareenka in aan dadka ka baxsani ku fahmeynin waxa laga hadlaayo oo aanay kula wadaagin cabashooyinkaaga ama inaad aragto waxyaabaha aad adigu u maleyneyso inay cid walba u muuqdaan  ayaa noqon kartaa mid aad u jahwareersan haddii aad qabto cudurka waalida. Sidaas darteed ayaa waalidu inta badan u tahay iska horimaad lala galaayo dadka jooga bay’adaada.

Maxaa waalida keena?

Maaha mid gebi ahaanba cad sababta uu qofku ugu dhaco cudurka waalidu, laakiin waxa jiri karta u nuglaasho shakhsi ahaaneed oo ku lug leh hiddaha, barbaarinta ama waayo shoog ah oo khaas ah. Waxa sidoo kale jira xidhiidh ka dhaxeeya daroogada sida xashiishada, mariwaanada iyo waalida. Unuglaashaha waalida ayaa kii kordha hadii aad leedahay hurdo yaraan ba’an, walwal cadho badan ama diiq. Haddii aad leedahay waali muddo badan ku haysa ama mid soo laalaabaneysa ayaad qabtaa xanuun aad uga baahan tahay in lagaag daweeyo.

Maxaan caawimo heli karaa markaan waalaney?

Kahor intaanad helin daaweynta saxa ah ayaad u baahan tahay inaad sameyso baadhitaan caafimaadka dhimirka. Iyadoo ku xidhan xaaladaada ayaad u baahan kartaa noocyo kala duduwan oo daaweyn ah sida daawo, dabiib iyo taageerooyinka nafsaaniga ah ee kale. Si aad u heshid daryeel isku xidhan oo wanaagsan, ayay fiicantahay haddii aad hesho waxa loo yaqaano qorshe daryeel.

Dadka intooda badan waa ay ka soo kabtaan waalida.

Si looga soo kabto ayaa u baahan kartaa taageero iyo caawimo bay’adaada ka timaada. Waxaad u baahan tahay inaad fahanto waxa kugu dhacay iyo waxa aad sameyn karto si aad uga hor tagto inaad halkaa ku dhacdo mar labaad. Waxaad u baahan kartaa daawo xili ka dheer, waxaad u baahan tahay inad barato calaamadha hordhaca ah ee cudurka waalida iyo inaad ogaato sidaad ula soo xidhiidheyso daryeelka caafimaadka si aad uga fogaato cudur waali ah oo cusub.