Ge en gåva

Cudurka is bedbedelka dabeecada

Dadka oo dhan ayaa dabeecadoodu is bedbedeshaa xiliyad kala duduwan ee noloshooda. Laakiin markaad qabto cudurka is bedbedelka dabeecada ayay xaaladaadu isku bedbedel kartaa mid diiq iyo waxa loo yagaan waali ama cadho-badan ah. Intaa waxa dheer inaad leedahay xiliyo aad caafimaad qabto, inta badan sanado badan.

Waa maxa cudurka is bedbedelka dabeecada?

Cudurka is bedbedelka dabeecada waa marka aad leedahay dabeecad isbed bedelaysa oo u dhexeeya farsad badan iyo niyad jab. Intaa waxa u dheeya adigoo haysta xiliyo aad caafimaad qabto. Xaalada dabeecada waxa loo yagaan cadho-badan, waali ama xaalado diiq ah. Waxaa jira waxyaalo isku dhafan oo xaalada niyadda iyadoo loo kala qaybiyay noocyo kala duwan oo ah baaxaa dega ah. Cudurka is bedbedelka dabeecada waxa uu ka imaan kara dhacdooyinka dibadda, istareeska iyo walwal guud iyadoo bilaabanta inay muuqato xiliyada dhowr iyo toban jirka. Cudurku waa mid noloshoo dhan ku haya. Khatarta in nolosha mar uun la qaado cudurka baaxaa degga ayaa ah fursada hal ilaa laba boqolkiiba ah taas oo ka siman dunida oo dhan.

Waa maxay waali iyo cadhada badan?

Waalida iyo cadhada-badan waxay keeni karaan inaad wax qiimeynta aad lumiso taas oo saamenaysa xidhiidhka, shaqada iyo dhaqaalaha. Waxa laga yaabaa inaad tusaale ahaan bilowdo mashaariic badan, aad si weyn u faraxsan tahay, aad bulshaawi u ah oo aad sameyso waxyaalo caaqiibo xun leh ha badnaato ama ha yaraatee. Inta badan waxa tahay qof firfircoon oo u baahan hurdo yar. Isku kalsoonidaada ayaa aad uga weyn sida caadiga ahayd, waxaana laga yaabaa inaad ka xanaaqdo haddii qof uu su’aalo ka keeno, tusaale ahaan, fikradahaaga aadka u wanaagsan, jecelkaaga, noloshaada dibada iyo dhamaan mashaariicda aad bilowday.

Haddii aad qabto waali ayaad aad uga sii kacsan tahay, haddii aad waalan tahay ayaad aad uga sii kacsan tahay, si sahlan u lumiso garashada xaqiiqda iyadoo aad heli xanuunka maskaxda. Marka aad qabto cadhada badan ayaanad lumineyn garashada xaqiiqda iyadoo aad wax ka yar kacsan tahay. Marka aad muddo waali iyo cadho badan ku jirtid ayaad qaadi doontaa diiq. Diiqa ayaa mid aad u xun noqon karta taas oo aad yeelan karto fikirka isdilka iyo qorshayaasha isdilka. Marmarka qaarkood aad u xoogan oo aad isku deyi karto inaad isdisho.

Maxaa cudurka is bedbedelka dabeecada keena?

Cudurka is bedbedelka dabeecada waa mid hide raac ah kaas oo saameeya habka ay maskaxdu u shaqeyso. Hiddaha iyo shaqada maskaxda ayaa ku xidhan awood hal abuurka.

Noocyada kala duwan ee cudurka is bedbedelka dabeecada

Waxa jiri kara noocyo badan oo cudurka is bedbedelka dabeecada ah kuwaas oo guud ahaan loo kala qeybin karro nooca 1 iyo nooca 2. Nooca 1 ayaa ah markaad isku kala beddeleyso waali iyo diiq, nooca 2 waa markaad isku bedelida cadho cun iyo murugo.

Halkee ayaan caawimo ka raadsan karaa?

Haddii aad ka shakisan tahay inaad qabto ama qof kale uu qabo is bedbedelka dabeecada waa inaad raadsato xarun caafimaadka dhimirka. Halkaas waxa lagu sameyn doonaa qiimeyn guud, ka dib, waxaad sameyn doontaa baadhitaan muujin doona haddii aad qabtid cudurka is bedbedelka dabeecada iyo in kale.

Maxaa caawimo la heli karaa maxaanse sameyn karaa anigu?

Daaweyntu waa lagama maarmaan maxaa yeelay cudurku waxa uu saameyn karaa dhamaan noloshaada oo dhan iyadoo khatarta loogu jiro isdiliduna ay tahay mid aad u sareysa.  Waxaad u baahan tahay daawooyin lagu siiyo haddii aad qabto baaxaa degga, si culeyska lagaaga qaado loogana hor taggo khatarta inuu dib kuugu soo laabto. Adiga iyo cidda kugu dhowdhowba waxay u baahan yihiin inay helaan aqoonta ku sabsan cudurka idinkoo xili hore ogaada calaamadaha hordhaca ah si aad hoos ugu dhintaan khatarta uu dib kuugu soo noronaayo. Dabiibka dhimirka iyo wadahadal wanaagsan oo lala yeesho qofka ku dabibaaya ayaa aad muhiim u ah. Siyaabo kale oo looga hortago dhacdooyinka cusub waa inaad yeelatid qorshe waxqabad haddii adiga ama dadka kugu dhowdhow aad ogaataan calaamadaha hor dhaca ah. Waxa sidoo kale muhiim noqon karta in fasax shaqad lagu siiyo in muddo ah, xataa in dhakhtar lagu dhigo.