Ge en gåva

Walwal

Walwalku waa wax caadi ahaan yimaada marka xaalad ku cabsi galiso lala kulmo iyadoo ah. Walwalka ayaa loo dareemi karaa heerar kala duduwan, laga bilaabo walwal ku soo gala ilaa mid calaamado jirka ka muuqdaan ama dareen walwal hal mar kugu soo booda halkaas oo la dareemi karto sidii inaad suuxeyso oo kale. Walwal markasta wuu iska ba'aa laakiin wuu kugu soo noqon karaa.

Sidee ayaa walwalka loo dareemayaa?

Walwalka ayaa dadku u kala dareemi karaan siyaabo kala duwan, waxayna noqon kartaa mid kala badan. Walwalka ka yara fudud ayaa waxa loo dareemi karaa sida walaac, xasilooni la’aan, ama dareen waxaan caadi aheyn, sida in lagu dhex jiro “xumbo”. Walwalka weyn ayaa jidhka laga dareemi karaa. Markaa waxa la dareemi karaa sida in neeftu kugu adagtey oo kale, waxa la dareemayaa in cadaadis laabta kaa saaran yahay ama wadnahu xoog guu garaacaayo. Haddii walwalku si deg-deg ah kuuugu yimaaddo adiga oo aan diyaar u aheyn, waxa loo yaqaannaa walwal hal mar kugu soo boodey, iyadoo waxa dhacaya marka walaaca yimaado loo yaqaano walwal kadis kuugu dhacay.

Marka walwalku kugu dhaco ayay caadi yahay in la is yidhaa “waligaa kaa tagi meyso” ama “waan soo waalanayaa” Markaad sidaas dareemeyso – xasuusnow inaan kuwaas midna run aheyn! Walwalku markasta wuu tagaa waxooga kadib, iyadoo aanu khatar aheyn xataa haddii aad rumeysantahay inuu sidaas yahay.

Maxaa walwalku iigu dhacayaa?

Walwalka ayaa tusaale ahaan uu kugu kicin karaa fikir ama dareem ku cabsi gelinaaya ama kaa dhigaysa inaad dareento mid khatar ku jira, awood aan laheyn, khasaare ah ama waxtar lahayn. Marmarka qaarkood, ayaa walaaca ku xidhnaan karaa in waxbadan lagaa filanaayo, dareen ceeb ah ama xadgudub in la sameeyey. Waa caadi ah in la is yidhaa oo la dareemo wax cajiib ah oo aan caadi ahayn, in ay “wax kaa si yihiin” adiga

Walwalka waxa sidoo kale kugu kicin kara haddii aad niyad jabto ama lagaa tago. Inaad khatarta ugu jirto inaad lumiso wax muhiim kuu ah sida nabadgelyada, mansabkaaga ama jacayl ayaa sidoo kale kugu kicin karta walwal.

Maxaa maskada ku dhacaaya marka uu walwal isoo gaadho?

Walalku waa dareen-celinta habdhiska dareenka oo aadan adigu maamuli karin. Dareen-celinta waa nooc ka mid ah habka digniinta dabiiciga ah ee bilaalbma marka maskaxda iyo habdhiska dareenku ay ka jawaabaan halis ama khatar. Khatartu ma ah inay markasta ahaato mid dhab ah. Marka ay maskaxdu dirto signaal ah in naftu khatar ku jirto ayaa jidhku ka jawaab celiyaa iyadoo ay tahay taas waxaad u dareemeyso walalka.

Sida uu xasaasiga u yahay nidaamka digniintu ayaa kala dudwanan kara qof ahaan, wuxuuna kala duwanaan karaa inta lagu jiro xilliyada kala duwan ee nolosha. Ma aha wax aan caadi ahayn in aad yeelato walwal badan xiliga dhowr iyo toban jirnimada iyo labaataneeyaha, laakiin waad ka sii fiicnaaneysaa markaad ka sii weynaato. In walwal la dareemo ayay saameyn kartaa haddii ay wax xun ku soo mareen.

Maxaan daaweyn heli karaa?

Daaweynta walwalku waa in la barto sida loo maareynaayo walwalka. Habka waxa loo yaqaan soo gaadhsiin isagoo macnaheedu yahay in aad bay’ad sugan ku baratid inaad si tartiib tartiib ah u baratid inaad u adkeysatid dareenka walwalka. Markaad awoodidi inaad maareysid xilligaas aad ogtahay inay iska baabi’i doonto wakhti ka dib. Marka lagu tababarto soo gaadhsiinta ayaa maskaxda laga caawin karaa in dib loogu dhigo xasaasinimad nidaamka alaarmka iyadoo uu wax ka yar ku dhibaayo walwalku.

Ma wax caadi ahbaa walwalku?

Cidkastaa waxay xili ka mid ah nolosha yeelataa walwal, dadka qaar ayaa wax ka badan kuwa kale hela. Xataa haddii uu walwalku uu aad caadi u yahay ayaa wax yar uu ka hadalaan. Sidaas daradeed ayaa dad badan walwalka ku xidhaan dareemada sida ceebka iyo danbiga. Maadaama waloo walwalka badanaa aan laga arkin dibadda, ayaa qaar badan aaminsan yihiin in ay keli ku yihiin, taasoo ka dhigeysa in ay ka sii adag tahay in laga hadlo marka loo eego siday runtii ahaan laheyd

Dad badan ayaa qariya inay qabaan walwal ama iska yeelyeela sidoo oo aanu walwal jirin. Marba marka ay ka sii badanaato inaad iska ilaaliso, ayay kolba ka sii adkaaneysaa inaad maareyso iyada.

Sidee ayaa loo maareyn karaa walwalka oo maxaan sameyn karaa anigu?

Waxa caadi ah in la rabo in la baxsado marka uu walwalku kuu yimaado. In waxa xun la iska dhowro ayaa ah mid biniaadamku sameeyo. Laakiin walwalku iskama tago kalliya iyadoo la iska ilaalinaayo uun, waxa dhacda taas mid liddi ku ah. Hab wanaagsan oo la iskaga ilaaliyo walwalku waa iyadoo la ogolaado kaas, xaalada laga helo oo aan la isku deyin inaan laga baxsan. Haddii aad awoodi karto ayaa inta badan walwalku dhakhso iskaga tagaa, iyadoo marka danbe ay ka sii dhib yaraan karto in la maareeyo.

Waxa caawisa in qof lagala hadlo sida aad dareemeyso. In laga hadalo ayaa inta badan ay talaabada ugu horeysa ee lagaga roonaanaayo. Waxaad sidoo kale ka baran kartaa wax badan oo ku saabsan walwalka adigoo akhriya waxyaalaja ku sabsan walwalka iyo sida loo daaweyn karo.

Istareeska iyo walwalkaayaa inta badan wada socda. Haddii aad isku daydo inaad cunto, seexato oo aad sameyso waxyaalaha aad jeceshahay, ayuu sii badanayaa iska caabinta aad yeelaneyso istareeska iyo walwalka. Qeyb kale oo muhiim ah waa in maya la odhan karro oo la xadeeyo waxyaala aah awoodi karo.

Waa maxay calaamada walwalku?

Marka walwalku saameyn ku yeesho noloshaada maalin kasta, waxay noqon kartaa jirro walwal ah oo aad u heli karto daaweyn. Waxa tusaale ahaan xanuunada walwalka ka mid ah cudur baqdin ah, walwal guud, walwal xidhiidhka bulshad iyo waxyaalo gaara oo cuqdad laga qabo.

Goorma ayaan u baahanay inaan caawimo raadsado?

Haddii aad maalin kasta qabto walwal aad u weyn oo saameeya noloshaada – ha ka waaban inaad caawimaad raadsato. Ha u arkin sida qof khasaarey, waxay inta  badan u baahan tahay ku dhiiranaan in caawimo la codasado iyadoo marba marka aad xili ka horeeya aad caawimo ka raadsato ay kolba ka sii fiicnaan doonto. Haddi aad si kasta ha ahaatee aqbasho inaad adigu daryeel raadsato, weydiiso qof aad ku kalsoon tahay inuu kugu taageero sidaas. Haddii aanad haysan qof aad ku kalsoon tahay waxaad u maleyneysaa inaad taageeri karto, waxaad wici kartaa ama si qarsoodi ah ula hadli kartaa khadka telefoonka taageerada. Halkan waxa ku dhigan liistada ururada aad