Ge en gåva

Xanuunka daalka xun

Cudurrada la xidhiidha istareeska ayaa maanta ah waxa ugu badan ee fasaxa xanuunka. Marka ay istareesku muddo dheer ku hayso ayay jirtaa halis ah in la yeesho xanuunka daalka xun. Waa cudur qaadan kara waqti dheer inuu jidhka iyo nafta ay ka soo kabtaan oo ay calaamadaha digniinta loo qaato si dhab ah.

Waa maxay xanuunka daalka badan?

Xanuunada daalku waxa uu ka yimaadaaistarees muddo dheer ku haysay, taas oo socday muddo ugu yaraan lix bilood ah iyada oo aan dib uga soo kabasho ku filan la helin. Xaalad waxa barigii hore la odhan jirey gubasho iyadoo micnaheedu ahaa in  maskaxdu ay noqoto mid culus badan saran yahay oo istarees xanuujisey.

Xanuunka daalka xun waxa lagu sifeyn karaa saddex qeybood. Marka hore waa wejiga hordhaca ah kaas oo keeni kara calaamadaha jirka iyo maskaxda, laakiin meesha uu qofku weli is debero waxqabadkiisa maalmeedka. Dadka intooda badan waxay fahmaan inay calaamadahu ay sabab u yihiin istareeska iyo isbedelka qaab nololeedka.

Haddii aan xaalada waxba laga qaban ayaa khatar loogu jiraa in la galaa marxalad degdeg ah. Waxay inta badan u dhacdaa si degdeg ah oo lama filaan ah, halkaas oo odhaahda “derbiga ku dhac” ka timid. Marxaladda xaalad adegdega waxay socon kartaa illaa dhowr todobaad halkaas oo aan waxba la qabsan karin. Waxay noqon kartaa mid aan suurtogal aheyn in laga kaco sariirta, si sax ah loo fikiro ama wax ahmiyad la saaro. Awoooda dhowr wax hal mar loogu wadda qabto ayaa la lumiyaa. Dareemidda diiq iyo argagax ayaa imaan karta, taas oo si qalad ah loogu maleyn karro diiq.

Marxalada saddexaad waa marxalada ka soo kabashada. Marka qofka dhibanaha ah uu ugu dambeyntii ka soo kaco oo laakiin uu wali daalan yahay, istareeska u nugul yahay oo ay ku adagtahay wax ahmiyad saaridu iyo xasuustu. Marba marka ay in ka sii badan qaadato ka soo kabashadu ayuu qofku si caadi ah dib ugu noqdaa waxqabadkiisa maalinlaha ah. Xataa haddii calaamadaha xanuunka daalku ay markasta keenaan u nuglaanta istareeska oo korsha, xataa marka ay calaamadaha kale kaa tagaan.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

boqolkiiba 80 dadka uu ku dhaco waa dumar iyagoo inta badan ay tahay qof aan la is laheyn wuu ku dhici doonaa. Waxa uu isagu ahaa mid hawlkar ah oo shaqad ku wanaagsan, masuuliyad weyn qoyska u qaada oo markasta tiisa ka horeysiiya ta dadka kale.

Calaamadaha istareeska ay kala duduwan. Waxay u muuqan kartaa calaamadaha jirka sida dhabar xanuun, madax xanuun, xanuunka caloosha iyo midhicirka, wadne garaac iyo difaaca jirka oo diciifa. Waxa la noqon karaa qof daalan oo haddana ay kugu adkaan karta inaad is dejiso oo aad seexato. Dareemid walwal, walaac, niyadjab oo ay kugu adagtey in wax ahmiyad la saaro.

Waayo maxaa caawimo loo raadsanayaa?

Waxa muhiim ah in la fiiriyo calaamadaha digniinta jidhka oo caawimo la raadso  wakhtiga ku haboon. In laga soo kabto daalka badan ayaa ah qax adag iyadoo wakhti badan qaadan karta, laakiin marba marka ay ka horeyso xiliga caawimo la raadsado ayay ka sii yartahay dhaawaca uu cudurku keeni karro. Qofna uma mahadcelin doono dadka waayeelka ah inta ay ka baxayaan jirrada ka hor.

Haddii adiga ama qof qaraabo ah uu khatar ugu jiro xanuunada la xidhiidha istareeska caafimaad daradda waa inaad caawimo ka raadsato daryeelka caafimaadka ama daryeelka caafimaadka ee shirkada. Haddii ay jiraan calaamado degdeg ah waxa laguu soo jeedianyaa inaad la xidhiidho daryeelka dhimirka ee balan la’aanta. Dhakhtar ayaa sameyn doona baadhitaan jidhka isagoo dhageysan doona waxaad sheegayso iyo baahiyahaaga. Si meesha looga saaro cudurad kale ayaa inta badan la qaadaa tijaabo dhiiga.

Miyaa dib looga roonaan karaa?

Dadka qaba xanuunka daalka badan ayaa intooda badani ay caadi ku soo laabtaan, inkasta oo ay qaadan karto waqti dheer waxaana la socda u nuglaan badan oo istareeska. Sidaas darteed ayay u jirtaa khatar in dib loogu xanuunsanaayo. Qofka ay ku dhacdey waxa uu u baahan yahay in fasax shaqada la siiyo ama laga dhimo hawsha loo dhiibaayo si jidhka loogu siiyo fursad uu kaga soo kabto. Jimicsiyada nasashada, jimicsiga iyo hurdada fiican ayaa caawin kara. Iska dhin masuuliyadaha oo wakhti la qaado saaxiibbada iyo qoyska oo sameeya waxyaalaha aad jeceshahay.

Daaweyntu waxay ka koobnaan kartaa dabiib wadahadal ah, iyadoo la door bidaayo koox, ama daawo. Waxa muhiim ah in la xasuusto in daawadu aanay aheyn xalka ee ay tahay caawimo si aad uga wajahdo sababta dhabta ee keenaysa istareeska.