Ge en gåva

Xanuunka cabsida badan la qabo

Haddii aad qabto weeraro soo laalaabanaaya oo cabsi banan ah iyo walwal aad ka qabto inaad ku dhacdo xaalado laga yaabo inaad la kulanto weerar argagax cusub ah, ayaa laga yaabaa inaad qabto wax loo yaqaano xanuunka cabsida badan. Haddii aad taas oo kale qabto waa in aanad ka waaban inaad caawimo raadsato. Waxa jira daaweyn kaa caawinaaya cudurka cabsida badan la qabo.

Waa maxay cudurka cabsida badan la qabo?

Marka walwalku si lama filaan ah uu kuugu dhaco iyada oo aanad wax digniin ah qabin oo xoog jidhka looga dareemaayo ayaa, waxa loo yaqaanaa cudurka cabsida badan la qabo. Waxa calaamad lagu garto u ah xanuunak cabsida badan waa iyadoo la aamino in aanay tani aheyn xanuun maskaxda ee ay tahay mid jidhka.

Xanuunka cabsida waxa uu badanaa yimaadaa marka aad ku jirto xaalad aad dareemeyso inaad xanniban tahay, oo aanad ka baxsan karin ama ka laaban karin. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa safka/kiyuuga marka lagu jiro ama marka la dhex fadhiyo tareen ama bas.

Cudurka cabsida badan la qabo waxa aad looga dareemaa jidhka isaga oo keeni kara calaamado sida wade garaac, naqaska oo ku qabta iyo dareen ah inaad suuxeyso. Maadaama oo aad jidhka ka dareemeyso ayay adkaan kartaa in la fahmo inay tahay jawaab-celin ay maskaxdu sameynayso. Taas bedelkeeda ayaa waxa caadi ah in loo maleeyo inay jidhkaaga wax ka si yihiin, sida wadnaha oo ku istaagaya. Jawaab celinta jidhku waa mid ka timaada natiijada in neerfahaagu kuu ka falcelinaayo xaalad aad ugu dareemeyso inay khatari jirto.

Haddii aad leedahay marar badan oo caqdintu ay soo laalaabaneyso ayay taasi noqon kartaa xanuunka cabsida badan. In la dareemo walwal cabsi ah ayaan aheyn inaad qabto xanuunka cabsida badan.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Haddii aad qabto xanuunka cabsida badan ayaa cabsidaada inay kugu dhaceyso walwalka cabsidu uu aad u weyn yahay iyadoo markaa ku saameysa maalinta oo dhan. Baqdinta in uu kugu dhaco walwal waxa loo yaqaan walwalka wax filashada. Marba marka ay ka sii badan tahay walwalka filashada ee aad qabto ayay ka sii badnaaneysaa saameynta ay leedahay ee ay naftaada ku xadeynayso.

Waxay tusaale ahaan keeni kartaa inaad iska ilaaliso meelaha dadku iskugu yimaado ama inaad raacdo tareenka dhulka hoostiisa mara ama bas, adigoo ka cabsoonaaya inaad ku dhacdo meel ay kugu adkaato inaa ka soo baxdo.

In laga fogaado xaaladaha qalafsan waxa la dareemi karaa in laga nafisay muddo gaaban, laakiin waxay keeneysaa inuu walwalku ka sii dheeraado. Marba marka ay ka sii badan tahay booska aad siineyso walwalka, ayay kolba ka sii yaraaneysaa booska aad siineyso nolosha aad rabi laheyd inaad ku noolaato.

Goorma ayaan caawimo raadsanayaa?

Haddii walwalkaagu uu xadeynaayo oo uu maamaamulaayo noloshaada waa in aanad ka waaban inaad caawimo raadsato. Waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad isku daaweynayso khamri ama daawooyinka la isku dejiyo si aad ula maareyso xaaladaada maalinlaha ah.

Waxa jira waxyaalo badan oo aad sameyn karto si aad uga roonaato, iyadoo talaabada ugu horeysaa ay tahay inaad daryeel caafimaad raadsato. Haddii aan garenyn meesha aad ka raadsaneyso daryeel caafimaad ayaad xarumaha ka heli kartaa asigoo soo maraaya 1177.se Haddii la ogolaado in la raadsado daryeel, caafimaad, caawimo ka hel bay’adaada kugu dhow dhow sida inaad la xidhiidho daryeelka caafimaadka.

Waxa jirta caawimo la heli karro

Waxa laga roonaan karaa haddii la helo daaweyn. Waa wax caadi ah in lagugu daaweeyo daawooyin ay la socdaan KBT, taas oo ah nooc daaweyn waqti-gaaban ah oo aad ku heli karto sida daaweyn ah wadahadal ama daaweynta internetka. Daaweyntu waa ku jira inaad barato sida loo xakameyn lahaa walwalka hab aan saameyn ku yeelan oo xaddidin noloshaada.

Kaligaa ma tihid

Waxa jira dad badan oo sanadooyin badan la soo noolaa xanuunka cabsida weyn, laakiin hela hab ay kaga roonaadaan. Inaad ogaato haddii aad qabto hal cudurka ama laga yaabo qaar badan waxay macnaheedu ma aha in noloshu ay dhammaatay, ee waa mid taas lidkeeda ah. Waxay adiga ku siin kartaa faham shakhsiyan ah kaas oo hubiya inaad adigu si dhab ah isku eegto, oo kaa caawiya inaad fahamto waxaad u baahan tahay. Waxay keeni kartaa inaad ka sii awood badnaato oo aad hesho isku kalsooni ka wanaagsan. Marka aad garwosato adkaanteeda ayay ku siin kartaa fursad aad kaga roonaaneyso.