Ge en gåva

Qalad wax u isticmaalka iyo la qabsiga

La qabsiga waxa lagu sameeyn karaa waxyaalo badan iyadoo ay adagtahay in la iska daayo. Waxay u keentaa liidasho badan qofka uu ku dhaco iyo dadka ku dhowdhowba. Ceeb iyo aamusnaanta ayaa ah saaxiibka ugu fiican ee ku tiirsanaanta - ka hadalka arrintani waxay noqon kartaa tallaabada ugu horreysa ee nolol caafimaad leh.

Waa maxay la qabsigu?

Qalad u isticmaalka waxa loola jeedaa isticmaalka maandoriyaha sida khamrada iyo daroogooyinka, qaabka waxyeelo u geysanaya caafimaadka iyo xidhiidhkaaga. Marka wax qalad loo isticmaalo uu muddo socdo ayuu keenaa in lala qabsado oo lagu tiirsanaado.

Waa maxay xanuunka la qabsigu?

Ku tiisnanaanta khamrada iyo daroogada ayaa ay xanuun bulshada. In la lahaado cudurka ku tiirsanaanta macnaheedu waa in ay adagtahay in la joojiyo ama la yareeyo wax qalad u isticmaalka. Jidhka ayaa la qabsadey inuu ahaado mid uu saameeyo isagoo u baahan in la qaato daws kolba ka sii badan si loogu gaadho saameynta la rabo. Marka aan maadada la qaadan ayay keentaa inuu qofku xaraaroodo. Dhibaatada xaraarada waxay iman kartaa haddii qalad loo isticmaalo khamrada, tubaakada ama qaar ka mid ah daawooyinka la isku dejiyo laakiin sidoo kale nikootiinka iyo qaxwaha. Waxa xataa sidoo kale lala qabsan karaa ciyaaraha. Dareenka ayaa ah in la qabsigu uu yahay mid aan la xakameyn kareyn iyo in nolosha oo dhan ay ku wareegsan tahay taas.

Cudurka ku tiirsanaanta waxa uu ku xidhan yahay xaalada isbedel kala duduwan oo habka abaalmarinta ee maskaxda. Habka abaal marinta waxa uu muhiim inoogu yahay inaynu ku dadaalno waxyaala muhiimka inoogu ah nolosheena, iyadoo la sii deynaayo maadada dobamin marka aynu tusaal eahaa cunto macaan cuno, tababar sameyno ama galmoono. Marka aynu cabto khamro ama isticmaalno daroogo, waxaynu khiyaameynaynaa  maskaxda si ay hab aan dabiici aheyn ugu sii deyso dobamiin. Meeshii ay ka ahaan leyd dareenka fiicnaanta oo dabiiciga ah, ayay keeni kartaa dareemo sakhrad ah, kuwaas oo dad badan ay doonaya in ay la helaan marar badan. Dadka ayaa kala leh khatar hidde ah oo kala badan sida ay ugu dhaceyso ku tiirsanaantu oo marka la soo dhasho ah.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

La qabsiga ayaa la wareegi kara nolosha oo dhan. Isla hal mar ayaaney jirinba wax ka muhiimsan raadinta in wax ka sii badan la helo. Waa wax caadi ah in tusaale ahaan wax badan oo ku saabsan khamriga ama daroogada laga fikiro, oo sidaas darteed la bilaabo in la qarsado qalad u isticmaalidaada. Waxa laga yaabaa inay saameyso shaqada, qoyska, caafimaadka – waxyaabihii horey la jeclaa ee muhiimka ahaa. La qabsigu waxa uu qofka qaba dhaawici karaa maskax iyo jidh ahaanba, iyo xataa sidoo kale bay’adiisa.

Miyey haboon tahay in caawino la raadsado?

Ku tiirsanaantu waxa la dareemi karaa sidii in lagu fashilmey iyadoo wadata dareem dambi iyo ceeb. Waxa muhiim ah in la xasuusto inay tahay cudur la daaweyn karro. In laga aamusnaado oo la iska dhigo sidii inaanay dhibaatadu jirin ayaaney cidna dan u aheyn ku tiirsanaanta mooyaane. Marka qofku uu ku tiirsan yahay, ayay ku adkaan kartaa in la qorto dhibaatada, markaa ayaa qaraabadaadu ay noqon karaan taageero fiican oo muhiim ah. Bilow inaad la hadasho qof aad ku kalsoon tahay.

Ku tiirsanaantu waxa weeye xaalada isbeddel kala duduwan oo maskaxda ah iyadoo ay sidaas awgeed adag tahay in la daaweeyo. Hase yeeshee, waxay daaweyntu kaa caawin kartaa in lala noolaato cudurka. Markaad noqoto “khamriyacab aan cabsaneyn” ama “khamaare aan khamaareyn”, ayuu qofka qabaa qaadey mas’uuliyad uu isaga iyo bay’aduba ugu helayaan nolol wanaagsan.

Maxaa daaweyn jirta?

Waxaad waxyaalaha dhibaatooyinka la qabsiga kala hadli kartaa xarunta caafimaadka ama daryeelka caafimaadka ee shirkada. Ka dib marka ay si taxadir leh loogu baadho dhibaatadaada iyo haddii cudur kale oo dhimirka ah jiro, ayaa markaa daaweyntu ay ka koobnaan kartaa daaweyn wadahadal ah ama dawo aad cunto. Waxa xataa jira xaruma la qabsiga halkaas oo dadka qaraabada ahi taageero ka raadsan karaan. Nidaam muujiyey natiijo wanaagsan waa waxa loo yaqaan barnaamijka laba iyo tobanka talaabo. Waxa ilaa hadda socda cilmi baadhis ku sabsan barnaamiyo kale oo daawe