Ge en gåva

Murugo iyo baroordiiqda

Murugadu waa caadi waxaanay xidhiidh la leedahay nolosha. Marka uu qof kugu dhow uu dhinto ama isbeddel nolosha ahi ku yimaada ayaa waxa ugu muhiimsan in dareenka la dareemo oo lagu dhiirado in laha hadli karo. Qaraabo ahaan waxa caawisa in halkaas la joogo oo aan loo ogolaan in murugadu kaa cabsiiso.

Waa maxay murugo?

In la murugoodo waa mid aan aheyn in laga xun yahay uun. Waa dareen caadi ah oo ka falcelinaaya khasaare weyn sida qof kugu dhow oo dhintey ama kala tag. Murugada ayaa sidoo kale waxa keeni karra isbedelka weyn ee nolosha ku yimaada sida in ilmahaagu guriga ka guuro, in shaqada la lumiyo ama hawlgab la noqdo ama aan la dareemin in laguu baahan yahay.

Dadka intooda badan waxay u baahan yihiin inay dareemaan murugo kadib marka ay wax weyni ka lumo ama isbedel ku yimaado. Dareenka, kaas oo ah mid weyn oo aalaba xanuun badan, ayaa yimaada isagoo ah hab in aynu isku tusno inaga iyo dadka kale waxeynu soo marney. Murugadu waa calaamada uu qof ku dhimaayo dalabaadkiisa xili muddo ah.

Qaar badan ayaa muruda iyo ilmadu iskugu mid u yihiin. Laakiin waxa jira habab badan oo kale oo uu jidhku uga fal celiyo. Daal badan, cadabeecad is bedbedsha, in wax ahmiyad ala saaro oo kugu adkaata, baqdin, walwal iyo xasilooni la’aan ayaa noqon kara calaamadaha murugada. Xataa dhibaatooyin dhinca wadnaha ama caloosha iyo dhibatada hurdada. Dadka waaweyn ayay gaar ahaan caadi u tahay calaamado qarsoon iyo murugo.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Murugo kastaa waa mid gooni ah iyadoo aanay jirin hab sax ah oo loo murugoodo. Waxaa muhiim ah in waxaalaha loo ogolaado habsocodkooda iyo qaabkooda u dhacaan. Inta badan waxa laga hadalaa sanadka murugada, waxa loola jeedaa inay ugu yaraan qaadato hal sanno in la liqqo taas. Marka qof kugu dhow uu dhinto ayay noqon kartaa mid aad u sii xasaasi ah xiliyada la dabaal degaayo ee marka ugu horeysa ee aan qofkaasi joogin.

Waxa dhacda in dadka murugeysan ay dareemaan inay arki karaan ama maqli karaan qofka dhintey. Xataa taasi waa fal celin caadi ah iyadoo aanay aheyn in qofku waashay.

Waxa muhiim ah in la tusi karro dareenno. In waxkasta la isku hayo ayaa keeni karta  inaad isku daydo inaad ka baxsato murugada, tusaale ahaan, inaad shaqeyso ama wax badan la saf-safro. Waxay xataa keeni kartaa dabeecadaha wax baabiiye ee sida kiniinka iyo khamrada. Waxyaalahaas ayaa dib u dhigi kara murugada.

Miyaa laga roonaan karaa?

Marka lagu jiro murugda ayaa la dareemi karaa inaan noloshu marna fiicnaan doonin. Sidaas ma aha. Laakiin waa in, si kasta ha u xanuun badnaatee, la wajaha. Ma jiro wax dariiq ka dhow ah iyadoo ay muhiim tahay in naftaad loo ogolaado in la niyad jabsanaado. Maxay kuu dhib yareyn kartaa in loo furfurnaado murugada oo laga hadlo.

Marka wax kastaa fowdo yahay oo aan waxba loo dareemeyn inay micno leedahay, waxa muhiim ah inaad isku daydo oo aad ku dhegto jadwalka caadiga ee maalinlaha. Waxaad adigu isku dayikartaa inaad dhinto shaqada iyo istareeska kale laakiin isku dey inaad sii wado lahaanshaha cunto iyo hurdo joogto ah. Kaligaa ahow marka aad dooneyso ee aad u baahan tahay laakiin ha is wada qufulin. Taageero laga heli dadka qaraabada ayaa aad muhiim u ah si loo sii socdo.

Qaraabo ahaan ayay adkaan kartaa oo ay ku baqdin galin kartaa in la maareeyo xaalada. In la awoodo in la shageysto, laga caawiyo hawlaha maalin laha ah ama halkaas uu lala joogo ayaa wax aad u badan tarta. Waxa ugu xun qofka ay ku dhacdey waa in la iska ilaaliyo iyo aamuska.

Halkee ayaa taageero iyo caawimo laha helaa?

Xaaladaha aadka u daran, tusaale ahaan, marka uu qof dhalinyar ahi uu dhinto, ayaan markaa wakhti ku filnayn in laga bogsado. Haddii adiga ama qof qaraabada ah uu dareemaayo inuu dhex galay amalaga shakisan yahay niyadjabaan, ayaad u baahan tahay inaad raadsato caawimaad xirfad leh.

Waxaad xarunta caafimaadka ka heli doontaa hagid iyo haddii loo baahdo gudbin wadahadal taageero ah oo la taliyeo ama dhakhtarka dhimirka lala sameeyo. Haddii aad qabto dhinaatooyin hurdada oo muddo dheer waara aya yjirtaa caawimo la heli karaa. Waa xataa jira ururo badan iyo hay’ado bixiya taageero marka la murogeysan yahay.