Ge en gåva

Isnacayb iyo ishaligaad

Waxa dhici karta in qofku si aan caadi aheyn oo badan isku nici karro. Waxaa laga yaabaa inaad necebtey sidaad u eegtahay, inaad dareentid inaanad waxba ku fiicnayn ama aad si xun ula dhaqantid dadka kale. Fikradaha ayaa keeni kara wax aan la filan karin in wax la isku geysto ama la ciqaabo naftaada. Sidaas ma aha inuu oqf u noolaado.

Waa maxay isnaceybku?

In lala noolaado isnaceyb waa sidii oo lala nool yahay qof ku dhiba oo kugu jira. Wuu ku cambaareynayaa oo uu ku xukumayaa mar taas oo qofku dareemaayo inaanu qiimo laheyn, uu khasaare yahay, uu xun yahay, fool xun yahay, qudhun yahay, baruur yahay, qof xun ama aan caadi aheyn yahay. Qofka ku dhibaaye ee kugu jiraa ayaa xataa ka dhaadhiciya qofka uu cudurkani ku dhaco inay dadka ku dhowdhow isaga u arkaan sidan oo kale. Tani waxay keeni kartaa walwal iyo dareen ah inay adagtahay in jidhkaaga ama shakhsiyadaada la xamilo.

Isnacaybku wuxuu ka yimaadaa wareeg xun oo ah isku kalsooni xumo taas oo ku xidhnaan karta waxyaabo kala duwan. Waxa laga yaabaa in dhacdo ku dhacdey carruurnimadii ama xili hore noloshaada, taas oo keenaysa in qofku rumaysto inuu ka qiimo daran yahay dadka kale. In ay wax si ka yihiin isaga oo aan cidi jecleyn. Isnaceybka ayaa waxa uu xataa noqon karaa calaamadaha diiqa ama jirrad qofka shucuurtiisu dhaawacantahay.

Sidee ayay nolosha u saameysaa?

Marka dareenka isnaceybka iyo walwalka uu noqdo mid aad u xoogan, ayaa waxa jira khatar ah dabeecad ishaligaad la yeesho si loogu maareeyo ama loogu suuxiyo dareenka xun. In jidhka la googooyo ama si kale loogu dhaawaco maqaarka ayaa noqon karta hab lagu dhimaayo walwalka laakiin mid lagu ciqaabaayo jidhka. Qofka qaba isnaceybka ayaa heli kara dareenka ah in jidhka la nadiifyo. Cunto xummo iyo qalad u isticmaalka khamriga iyo daroogada ayaa ah siyaabaha kale ee loo weeraayo jidhka. Waxa xataa la heli karaa fikirida inaad isdisho.

Isnacayb iyo ishaligaad ayaa keena in qofka uu ku dhacay is ururiyo. In dadka laga go’o ayaa ah habka lagu qarinaayo sida la dareemaayo iyo dabeecadihiisa. Waxa caadi ah in la dareemo ceeb oo ay taasina keento in la sii xanuunsado. Waxa laga yaabaa in qofku dareemaayo inuu aanu xataa u qalmin inuu caafimaad qabo. Waxay keeni kartaa in qofku dan iska yeelan ama ugu danbeyn iska ilaaliyo waxyaalaha qofka ka dhiga mid caafimaad wanaagsan. Sida cunto wanaagsan, hurdo wanaagsan, dhaqdhaqaaq iyo isdhexgaka bulshda.

Miyaa laga roonaan karaa?

Waqtigaa iyo meeshaa ayaa wax kasta oo qofku ka fikiro loo maleyn karaa inay run yihiin. Sida inaanay jirin waddo kale oo aan ahayn sii wadida dhibaateynta ama ciqaabida naftiisa. Laakiin waa maskaxda waxa ku khiyaameynayaa. Waxaa jira siyaabo kale oo ka wanaagsan oo loola macaamili karo dareenkan, taas oo ugu dambeyn keeni doonta inuu qofka ay ku dahcdey uu dareemo wax ka wanaagsan.

In la is dhaawaco ayaa keeni karra in dareenka adag waqti yar aad ka nafisto, hase yeeshee marnaba ma aha xalka wanaagsan ee mustaqbalka fog. Waxa ugu fiican ee la samayn karo waa in la is daryeelo oo isku muujisa naxariis. Adigoo lagu dhiirado oo aad qof u sheegtid sida aay dareemeyso ayaa yareeyn karta dareenka kalilda.

Miyaa la daaweyn karaa?

Haddii adiga, ama qof qaraabadaada ah, uu kugu aqoonsado kuwaas ayaa la gaadhay wakhtigii lagu jebin lahaa qaabka oo la raadsan lahaa caawimo. La xidhiidh daryeelka caafimaadka, daryeelka xanuunka dhimirka ee balan la’aanta ama daryeelka caafimaadka ee shirkada si aad wakhti booqasho ugu qabsatid. Haddii aad ka yar tahay 18 sanno jir, waxaad la xidhiidhi kartaa ungdomsmottagning ama BUP.

Markaad la xiriirto la leedahey daryeelka ayaa laga gun gaadhi karaa dhibaatada oo aad ogaan kartaa meesha isnacaybku ka soo jeedo iyo sida loo maareyn karo. Ka hortag isdilid, ayaa wada hadalka dabiibka ah iyo daaweynta ay muujiyeen inuu yahay hab caawiya. Waxa kale niyad kuu dejineysa in meesha laga saaro cudurrada kale.