Ge en gåva

Fikirka isdka

Waxa caadi ah in la lahaado fikirka ah inaad isdisho, iyadoo aanay runtii aheyn wax laga xidhoodo. Kaligaa ma tihid. In la yeesho fikirka ah isdilka ma aha micnaheedu inaad dhab ahaantii dooneyso inaad noloshaada iska qaado, laakiin badanaa waxay ku xiran tahay inaad rabto inaad bedesho xaaladaada oo aad soo afjarto dhibaatadaada. Waxa marwalba jira waxyaalo la kala dooran karoo oo kale, xitaa haddii aanad arag marka aad dareento sida ugu xun.

Haddii aad leedahay fikirka is dilka waa in aanad kaligaa isku koobin. Waa inaad markaa la hadasho qof aad ku kalsoon tahay. Waxay noqon kartaa qof aad garanayso ama qof jooga khadka gargaarka. Waxa aad xataa u baahan kartaa inaad raadsato daryeel si aad uga wanagsanaato.

Ka fikirida inaad isdisho iyo rajjo la’aanta.

Haddii aad dareemeyso inaad lumisay awooda nolishaada aad ku xakameynayso oo aad aanad haysan dhamaan wax rajo ah ayuu is dilku u muuqan karaa dariiq lagaga baxo. Waxaad ka fikiri kartaa inaad markaad haddii aad nafta iska qaado aad dib u heli doonto awooda naftaada aad ku maamuleyso. Is dilku waxa loo qaadan karaa inuu yahay xalka dhibaatooyinkaaga. Laakiin inaad iska qaadato noloshaada micnaheedu ma aha xal, laakiin taas mid lidkeed ah weeye, iyadoo fursadahaaga isbeddelka ay lumayaan.

Si aad ugu hesho fursadaha iyo siyaabaha kale ee looga baxo ayaad la hadli kartaa qof kale. Waxa laga yaabaa inaad u baahato caawimaad si aad ugu awoodo, qof dhagaysta oo ku caawiya inaad xaaladaha ka eegto dhinac kale. Waxa jiri kara dad badan oo ka mid ah bay’adaada kuwaas oo doonaaya inay ku caawiyaan adiga oo aan weli aqoonsan.

Waa sidee in la lahaado fikirka inaad is disho?

Markaad ka fekereyso inaad nafta iska qaado, waxa caadi ah inaad ku fekerto inaan waxba ka fiicnaan karin, inaad wada lumisay dhamaan fursadihii, oo aanay waxba kuu hadhsaneyn. Xitaa haddii aanay run ahayn, ayaad iska dhaadhicin kartaa in run tahay. Markaad ka fikireyso inaad nafta iska qaado ayaad xilliga dareemi dareemi waxoogaa nafis ah, sida inaad wax yar ka nasatey dhibaatooyinkaaga. Isla markaa ayaa waxyaalaha mamcuuna ahi la dareemi karaa inuu yahay wax laga xidhoodo  taas oo sii korshisa walwalkaaga.

Taasi waxa sabab u ah iyadoo ay yihiin fikiro ka hortagaya waxa caadiga ah ee ay ku dhisan tahay bulshadeenu. Waxa inaynu isdaryeelo inagu oo aan noqon qaar guuleysta oo niyad wanaagsan. In la rabbo in iska qaado noloshaada waa mawduuc ceeb ah. Xeerarka bulshadu waxa la dareemi karaa inay yihiin qaar aad u adag in lagu noolaado markaad xanuunsaneyso. In la lahaado fikirka isdilka ayaa kaa dhigi kara inaad ka fogaato dadka kale oo aad dareento kelinimo.

Sideen iskaga qaadaa fikirka is dilka?

Haddii aad leedahay fikirka is dilka waa in aanad kaligaa isku koobin ee aad qof kala hadasho. Waxaad dareemi kartaa keli inaad tahay iyo inaad ka baxsan tahay xaaladaada, laakiin dhab ahaantii waxaa jira dad badan oo ka fikiraaya oo dareemay sida adiga. In fikirkaaga ereyo loogu sheego qof ku dhageysanaaya ayaa keeni karta inaad hesho habab cusub oo aad u aragto dhibaatooyinkaaga iyadoo aad heli doonto fursado cusub oo lagu xalinayo. Marka aad ku kaliyeysato fikirkaaga isdilka, ayay sii kori karaan oo ay xoogeysan karaan. Ku qor fikirkaaga qoraal iyo kana hadal fikirka ka hortag iyadoo aad heli karto taageero bini-aadanimo.

Dunida waxa ka buuxa dad badan oo ay noloshooda hore u soo mareen fikirka is dilku, laakiin ay ka tageen, iyagoo markii danbe ay ky adkaatey inay fahmaan siday u fikirayeen markii ay aad u xanuunsanaayeen. Marka laga reebo inaad ka firkito dadka ama qofka agtaada jooga ee aad ka fikiri karto inaad kala hadasho, ayaad soo wici kartaa khadka gargaarka.

Goorma ayaan caawimo raadsanayaa?

Haddii aad leedahay fikirka xun oo is dilka ah waa in aanad ka waaban inaad raadsato caawimo. Waxaad la xidhiidhi kartaa xarunta daryeelka caafimaadka ama xarunta daryeelka dhimirka. Haddii ay kugu adagtahay inaad la xidhiidho adigu naftaada, weydii qof inuu kuu raaco. Waxa fiican in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo. Waxa jirta caawimo la heli karro iyadoo aad adigu xaq u leedahay inaad hesho taas. Haddii aad qabto dareen xun oo ah inaad  is disho ama qorshe la taaban karro oo aad naftaada iskaga qaadeyso, waa inaad toos u raadsato daryeel.